Waxaa Faahfaahino dheeraad ah ay ka soo baxeysaa Qarax maanta ka dhacay Suuqa Beerta ee Degmada Waaberi.
Ugu yaraan inta la xaqiijiyay Qaraxii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay 10 qof halka ay ku dhaawacmeen 30 qof.
Gaari nuuca raaxada ah ayaa loo adeegsaday Qaraxa ka dhacay Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir.
Goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa waxaa soo gaaray burbur xoogan.
Sidoo kale Ciidanka Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay qabteen Ninkii Waday gaariga waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyey oo ku Qarxay Suuqa Beerta ee Degmada Waabari.
Majirto ilaa iyo hada cid sheegatay Mas’uuliyada Qaraxa maanta ka dhacay Suuqa Beerta ee Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir.