Wararkii ugu dambeeyay Duqeyn lagu beegsaday Al Shabaab — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wararkii ugu dambeeyay Duqeyn lagu beegsaday Al Shabaab

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn dhinaca cirka ah oo xalay ka dhacday deegaano ka tirsan gobolada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe ee Maamulka Jubbaland,taas oo la sheegay in lala beegsaday Saldhigyo ay leeyihiin Ururka Al-Shabaab.

Saraakiil ciidan ayaa waxaa ay sheegeen in duqeynta oo dhacday laba jeer in tan hore lala beegsaday Xarun uu ku sugnaa sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab kaas oo ,magaciisa lagu soo koobay Maxamed halka tan labaad lala beegsaday Saldhiga Al-Shabaab ku leeyihiin degmada Jamaame,isla markaana lala beegsaday Sarkaal lagu Magacaabo Cabdi Nuur Xuseen kana mid ah saraakiisha ugu dhow hoggaanka sare ee Al-Shabaab.

Saraakiisha ayaa waxaa ay hadalkooda intaasi ku dareen in ilaa 5 ruux  lagu dilay weerarkaasi duqeynta ah ee xalay ka dhacday degmooyinka Jilib iyo Jamaame ee Gobolada Jubbada Hoose Jubbada Dhexe,waxaana dad ku sugan degmooyinkaas ay sheegeen inay cabsi dareemeen.

Al-Shabaab dhankooda weli kama hadlin duqeynta la sheegay in xalay ka dhacday degmooyin ka tirsan gobolada Jubbooyinka,waxaana inta badan weerarada noocaas oo kale ah fuliya Mareykanka oo taageera Millateri siiya Dowladda federaalka Soomaaliya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!