Wararkii ugu dambeeyay Duqeyn ka dhacay Gobolka Jubada Dhexe * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wararkii ugu dambeeyay Duqeyn ka dhacay Gobolka Jubada Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya diyaarado dagaal oo duqeymo oo ka fuliyay deegaano ka tirsan Jubbada Dhexe.

Duqeynta ayaa waxaa ay ka dhacday duleedka Degmada Bu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe, waxaana la beegsaday saldhigyo ay Al-Shabaab ku leeyihiin duleedka Degmadaasi.

Saraakiil ka tirsan Jubbaland ayaa warbaahinta u sheegay in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay ku dileen duqeynta, islamarkaana ay bur buriyeen saldhigyada ay ku sugnaayeen  dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Afhayeenka wasaaradda Amniga  maamulka Jubbaland, C/nuur Ibraahim Xuseen ayaa warbaahinta u sheegay in duqeynta ay  si gaar ah loola beegsaday xero ay degmada Bu’aale ku leeyihiin Al-shabaab, laguna dilay xubno uu ku jiray sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo kasoo jeeda Kenya, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in duqeynta lagu bur buriyay gaadiid ay lahaayeen Al-Shabaab, isagoona shaaca ka qaaday in saacadaha soo aadan ay faahfaahin guud ka bixin doonaan khasaaraha rasmiga ah ee la gaar siiyay Al-Shabaab.

Ma jiraan weli Wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!