Wararkii ugu dambeeyay Dagaalkii Tukaraq

Read Time:53 Second

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo Dagaalo muddooyinkii dambe ka socda Degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Safiirka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Danjire Mechiel Keatin ayaa ugu baaqay Madaxda Maamulada Soomaaliland iyo Puntland in ay joojiyeen colaada ka oogan Degaanka Tukaraq.

Waxuu sheegay in khasaaro badan uu Shacabka ka soo gaaray Dagaallada muddooyinkii dambe Ciidanka Soomaliland iyo kuwa Puntland ku dhexmarayay halkaasi.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu sheegay in muhiim ay tahay in Madaxda labada Maamul ay Ciidankooda dib ugala baxaan Degaanka uu Dagaalka ka dhacay si ay u soo laabato Xasiloonida.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in 50 Ruux oo isugu jira Shacab iyo dhinacyadii diriray in ay halkaasi ku dhinteen, islamarkaana 100 kale uu dhaawacyo kala duwan soo gaaray.

Xaalad kacsanaan ah ayaa laga soo sheegayaa in weli ay ka jirto Degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, maadaama labada dhinac weli ay isku horfadhiyaan halkaasi.

Warar siyaabo kala duwan uga soo baxay labada Maamul ayaa lagu kala sheegtay guulo ku aadan Dagaalkii cuslaa ee ka dhacay Degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %