Wararkii ugu dambeeyay dagaalkii cuslaa ee maanta ka dhacay Beledxaawo oo dad badan ku dhinteen * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wararkii ugu dambeeyay dagaalkii cuslaa ee maanta ka dhacay Beledxaawo oo dad badan ku dhinteen

Mareeg.com-Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal dhowr jeer la isku noq noqday oo maanta ka dhacay magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo, iyadoo dagaalka uu u dhaxeeyay ciidamada dowladda, kuwa Ahlusuna oo dhinac iyo ciidamo taabacsan Gudoomiyaha degmada Doolow.

Sida ay sheegayaan wararka dagaalkii cuslaa ee maanta ayaa waxaa ku dhintay ilaa 10-ruux oo ahaa dhinacyadii dagaalamayay, waxaana jira ilaa lix ruux oo ku dhintay madaafiic lagu garaacay degmada.

Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil oo la hadlay Idaacada VOA ayaa sheegay in dagaalkii maanta ay ku soo qaadeen ciidamo taageersan maamulka KMG ah ee Juba oo ka yimid degmada Doolow.

“Waxaa maanta duulaan nooga yimid dhanka degmada Doolow oo ciidamo taageersa Maamulka Juba ay na soo weerareen, mas’uuliyada dagaalkaas waxaa dusha u ridanayo Gudoomiyaha degmada Doolow”ayuu yiri Maxamed Cabdi Kaliil,

Mr Kaliil ayaa sheegay in dagaalka ay ku dhinteen dad shacab ah oo ku wax noqday madaafiic iyo guryo dagaalka ku gubtay, waxaana uu ku baaqay in Maxkamada la horkeeno Gudoomiyaha degmada Doolow.

Dad fara badan ayaa ka qaxay degmada, kadib markii dagaalka ay saameyn ballaaran ku yeesheen, markii madaafiic fara badan.

Si kastaba ha ahaatee dagaalka ka socday Beledxaawo ayaa salka ku haya gacan ku heynta deegaanka, iyadoo xiisada deegaanka ka jirtay ay aheyd mid mudooyinkii u dambeeyay ka taagneyd.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!