Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal Xalay Ka Dhacay Magaalada Boosaaso

Waxaa xalay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ka dhacay Dagaal u dhaxeeya kooxo hubeysan iyo Ciidamada maamulka Puntland iyadoo ay ku dhinteen laba qof halka laba kalana ay ku dhaawacmeen

Iska horimaadkan, ayaa wuxuu ka dambeeyay markii dabley hubeysani ay soo weerartay bar kontorool, oo Ciidamada Puntland ay ku leeyihiin dhinaca koonfureed ee Magaalada Boosaaso.

Labada qof ee iska horimaadka lagu dhintay, ayaa ahaa rayid, iyadoo labada kale ee dhaawaca uu soo gaareyna ay ka tirsan yihiin Ciidamada Booliska Puntland.

Saraakiisha Maamulka Puntland, ayaa waxaa laga soo xigtay in ay Baxsadeen Ragii weerarka soo qaaday, isla-markaana ay horey u sii qaateen tiro Dagaal looga dhaawacay.

About Xuseen Axmed 1576 Articles
Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia