Wararkii ugu dambeeyay dagaal magaalada Muqdisho ku dhexmaray labo ciidan
Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ku dhex maray magalaada Muqdisho.
Dagaalka oo ka dhacay inta u dhexeeysa xarunta Fiisho Taraafiko iyo madbacadda qaranka ee degmada Shangaani ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan dowladda ay tageen dhismo dad ay deganaayeen isla markaana ay ku amreen inay ka baxaan.
Labada dhinac ayaa isku adeegsaday hubka darandooriga u dhaca waxaana istaagay ganacsigii iyo isusocodka gaadiidka.
Xaaladda ayaa kacsan iyadoo lasoo sheegayo in labada ciidan ay wali ishorfadhiyaan.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka dowladda federaalka oo ku aadan dagaalka labada ciidan ku dhex maray magaalada Muqdisho.
Comments are closed.