Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal Dhiig badan ku daatay oo Maanta ka dhacay Degmada Afgooye

Read Time:1 Minute, 8 Second

maleeshiyo (1)Waxaa Saakay Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ka dhacay Dagaal aad u Culus oo u dhaxeeyay Ciidamo kawadatirsan Milatariga Soomaaliya kaa oo dhaliyay qasaarooyin aad u xoogan oo isugu jira Dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa ka qarxay halka lagu magacaabo Mukayga gaar ahaan bar Koontarool oo Ciidamada Milatariga ay isbaaro u taalay waxaana Wararka sheegayaan in ciidamo kale oo Milatariga katirsan in iyana isbaaro soo dhigteen goob aan halkaasi ka fogeen.

Ciidamadii horey ugu sugnaa Mukayga ayaa duulaan culus ku qaaday Ciidamada Cusub ee Isbaarada soo dhigtay waxaana halkaasi ka qarxay dagaal aad u xoogan ay ka qeyb qaadanayeen Gaadiidka Dagaalka.

Inta la xaqiijiyay Dagaalka ka dhacay Degmada Afgooye waxaa ku dhintay dad kabadan 10-qof oo isugu jira Ciidamadii dagaalamay iyo waliba dad Shacab ah oo ka agdhawaa halka uu dagaalku ka dhacay waxaa sidoo kale jira tiro badan oo dhaawacyo ah.

Dagaalka ayaa markii dambe iskiis u istaagay kadib markii dhinac kamid ah Ciidamadii milatariga ee dagaalamay ee goobta isaga baxeen , xaalada ayaana hada ah mid dagan walow ay jiraan cabsi ku aadan in mar kale uu dagaal halkaasi ka qarxo.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Dowlada Soomaaliya oo ku aadan Dagaalka dhiiga badan ku daatay ee maanta ka dhacay Degmada Afgooye , waxa ayna arimahan kusoo aadayaan Xili Madaxweyne Xasan Sheekh Amray in la toogto cidii la arko iyada oo isbaaro dhiganaysa.

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %