Wararkii ugu dambeeyay Dad ku geeriyooday Qarax ka dhacay Bakool * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wararkii ugu dambeeyay Dad ku geeriyooday Qarax ka dhacay Bakool

Sadax qof  oo shacab ah oo mid ka mid ah dumar tahay ayaa duleedka tuulada Gaabaneey oo hoos tagta degmada Xudur  ku geeriyooday, ka dib markii ay la kacday walxa qarxa oo meel duur ah ay ka soo qaadeen sida ay  xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Lama oga nooca walxaha qarxey mana aheyn wax iyaga loo dhigey, hayeeshee dadka tuulada waxay  sheegeen in gumac rasaas ay umaleeyeen hoobiye aan qarxin goobta qaraxa ka dhacay uu ooli jiray.

Allaah unaxariistee Cumar Maxamed Cali iyo Maxamuud Abdi Maxamed oo ku geeriyooday goobta walxaha qarxa kula kaceen waxay ifka uga tageen shan iyo toban caruur ah iyo sadax  xaas, halka gabadha oo 17 jir aheyd dhaawac halis ah ka soo gaarey qaraxa ka dibna isbitaalka xuddur ugu geeriyootay.

Walxo qarxa oo bulshada aan aqoon ulaheyn ayaa inta badan lagu arkayaa tuulooyinka iyo deegaanada kale maadaama dagaalo ka socdaan cid dadka ka wacyigelisana aysan jirin.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More