Wararkii ugu dambeeyay dab xoogan oo ka kacay kaalin shidaal ku taalla Boosaaso — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wararkii ugu dambeeyay dab xoogan oo ka kacay kaalin shidaal ku taalla Boosaaso

Warara dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dab ka kacay xalay kaalin shidaal oo ku taalla Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari,waxaana ka dhashay dabkaasi khasaaro hantiyeed.

Kaalinta shidaal uu dabka ka kacay ayaa waxa ay ku taallaa meel ku dhow Xarunta Ciidamada Badda ee maamulka Puntland,waxaana goobta gaaray gaadiidka gurmadka deg deg ah,si loo damiyo dabka kaasi oo ahaa mid aad u xoogan.

Dadka deegaanka Boosaaso ayaa inoo sheegay in dabkii ka kacay kaalinta shidaal uu sababay qaraxyada foostooyin shidaal oo ku jiray xarunta ,isla markaana dabka uu sii xoogeestay waxa uuna ka baxaya goobta.

Sidoo kale Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa xalay dadka ku nool ay dareemeen cabsi,iyagoona ka cabsi qabay in ay waxyeelo ka soo gaarto dabka ka kacay kaalinta shidaal.

Dhinaca kale ma jiro weli wax faah faahin ah oo kasoo baxay maamulka Puntland oo ku aadan khasaaraha rasmiga ah ee uu sababay dabka ka kacay kaalinta Shidaal ee  ku taalla Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!