Wararkii u dambeeyey Weerar Caawa lagu qaaday Hotel SYL

Read Time:53 Second

Kooxo hubeysan oo ka tirsan  Al-Shabaab ayaa caawa weerar xooggan oo xoog ku gal ah ku qaaday hotelka SYL ee magaalada Muqdisho kaas oo ay daganyihiin wasiirro, xildhibaano iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

War kooban oo kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay inay dabley ka tirsan Al-Shabaab galeen gudaha Hotel SYL ee Magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inuu weerarkaas u dhacay sidii loogu talagalay isla markaasna ay hadda ciidamadeeda howlgal ka wadaan gudaha Hotel SYL.

Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo weerarkaas ayaa sheegayo in weli la maqlayo rasaas ay is dhaafsanayaan ciidamada Dowladda iyo kuwa weerarka soo qaaday inkastoo ciidamada Ammaanka ay sheegeen inay toogteen laba kamid dableyda Al-Shabaab.

Valueimpression Placeholder
Hotel SYL ayaa waxaa ka socotay xaflad lagu soo bandhigay Buug, waxaana lasoo sheegayaa in dad badan ay Hotel joogeen marka uu weerarka dhacayey.

Dableyda weerarka soo qaaday ayaa la sheegay inay kasoo galeen dhanka Koontaroolka Ceel Gaabta oo laga ilaaliyo Madaxtooyada.

Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco wararkeena soo socdo Inshaa Allah

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.