Wararkii u dambeeyey Khasaaraha ka dhashay qarixii ka dhacay Gaalkacyo

Read Time:48 Second

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa ayaa lagu weeraray Hoteel uu daganaa Taliyaha Ciidanka dhulka Sareeyo Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir iyo Taliyaha ciidanka qeybta 21 aad Cabdicasiis Qooje,waxaana lagu dhuftay Gaari yaallay Banaanka Hotelka ay deganaayeen.

Wararka laga helayo khasaaraha ka dhashay qaraxaas ayaa waxa ay sheegayaan in 8 Ruux oo isugu jiray Askar iyo dad Shacab ah oo fadhiyey banaanka Hotelka ay ku geeriyoodeen tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Saraakiil ka tirsan Taliska qeybta 21aad ee xoogga dalka ayaa waxaa ay sheegeen in weerarkaasi qaraxa ah ay ka badbaadeen Taliyaha Ciidamada Dhulka iyo taliyaha qeybta 21aad,hayeeshee ay ku waxyeeloobeen askar ka tirsan Ciidamadii la socday.

Wararkii ugu dambeeyey ee saaka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo qeybta Galmudug ayaa waxaaay sheegayaan in ciidamada dowladdaay howlgallo ka wadaan Xaafadaha ku dhow dhow hotelka la weeraray oo ay degan yihiin Taliyaha Ciidanka dhulka Sareeyo Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir iyo Taliyaha ciidanka qeybta 21 aad Cabdicasiis Qooje.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %