warar dheeraad ah oo ka soo baxaya weerar ismiidamin oo lagu qaaday Baladweyne..

Read Time:50 Second

Saraakiisha Ciidamada Jaabuuti ee qeybta ka ah ciidanka Amisom ee ku sugan magaalada Beledweyne ayaa ka hadlay Weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ay maanta saldhigooda la beegsadeen Alshabaab.

Afhayeen u hadlay ciidamadaasi la weeraray wuxuu sheegay in laba askeri ay ka dhinteen shan kalena ay ka dhaawacmeen.

Wuxuu intaa ku daray inay iska caabiyeen weerarka oo lala eegtay saldhiga AMISOM ee Hiiraan.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in Qaraxu geeystay qasaare hantiyeed ka dib markii ay bur bureen Guryo dhowr ah oo ka ag dhawaa halka Qaraxu ka dhacay.

Qof goob joog ahaa ayaa BBC-da u sheegay inuu arkay qof dumar ah oo dhimatay iyo afar qof oo dhaawac ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud oo la hadlay madaxweynaha Jabuuti ayaa ka tacsiyeeyay dhimashada askarta Jabuuti.

Dhanka Alshabaab waxay sheegatay masuuliyadda weerarkaasi, waxayna sheegatay inay 17 askeri ku dileen duullaankaasi.
ma jiraan warar madax banaan oo si dhab ah u xaqiijin kara inta uu la egyahay Qasaaraha ka dhashay Weerarkaas oo loo adeegsaday gaari kuwa Xamuulka ah.

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %