Warar dheeraad ah ku saabsan diyaarad xalay ku soo dhacday deegaanka Carbiska * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Warar dheeraad ah ku saabsan diyaarad xalay ku soo dhacday deegaanka Carbiska

Waxaa soo baxaya faahfaahin ku saabsan diyaar u suurtogeli weyday inay ku soo degto garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ugu dambeyntiina ku dhacday deegaanka Carbiska ee gobolka Sh/hoose.

Diyaaradan ayaan ilaa iyo hadda aysan ka hadlin dowlada waxaa lagu wadaa in goor dhow ay dowlada ka hadasho hase yeeshee waxaa diyaarada oo baalasheeda ay burbureen ilaalinaya ciidamada AMISOM iyo ciidamada dowlada.

Shaqaalaha diyaarada oo kaliya oo saarnaa diyaaradan ayaa la rumeysan yahay in ay u kireysnayd ciidamada AMISOM.

Mid ka mid ah shaqaalha diyaarada ayaa dhaawac fudud uu ka soo gaaray hase yeeshee waxaa wararku shegayaan in inta kale ay bad qabaan.

Shaqaalaha saarnaa diyaarada oo dhammaantood Masaari ah ayaa magacyadoodu lagu kala sheegay

Taariq Bayonmay,Saalax Cabdi Saadaq,Maxamed Subxi,Axmed Baradaj,Calaa Raflax iyo Shaxata Shanoni.

Waxaa goordhow lagu wadaa in laga dajiyo xamuulka saaran diyaarada oo aan la ogeyn waxa uu yahay.

Waa markii ugu horeysay ee diyaarad awoodi weysay inay ku degto garoonka diyaaradaha Muqdisho ay ku dhacdo duleedka magaalada Muqdisho inta la ogyahay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!