War saxafadeed : Baarlamaanka Puntland oo ka hadlay khilaafka ka dhashay wax-ka bedelka xeer-hoosaadkooda * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

War saxafadeed : Baarlamaanka Puntland oo ka hadlay khilaafka ka dhashay wax-ka bedelka xeer-hoosaadkooda

Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in uusan jirin qodob ka mid ah xeer-hoosaadka Golaha oo ka hor-imanaya dastuurka Puntland.

War-saxaafedeed ka soo baxay Baarlamaanka Puntland ayaa lagu sheegay in xeer-hoosaadka dhawaan wax-ka-bedelka lagu sameeyay loo maray sifo sharci ah oo waafaqsan qodobada xeer-hoosaadka ee Golaha Wakiillada.

Sidoo kale Baarlamaanka Puntland ayaa beeniyay in aysan jirin mushaar ay leeyihiin xubnaha Baarlamaanka ee dib loo soo dooran waayo, balse waxay xuseen in uu jiro xeer la soo saaray 2013 oo sheegaya in xildhibaannadu markay xilka banneeyaan leeyihiin mushaar 12 bilood ah oo sagootina.

War-saxaafadeedka Baarlamaanka Puntland ayaa looga jawaabayay wareysi uu BBC-da siiyay Xildhibaan Axmed Cabdiraxmaan Kuluc oo ku sheegay in xeer-hoosaadka wax-ka-bedelka lagu sameeyay uu ka hor-imanayo dastuurka Puntland.

Xildhibaanada kasoo horjeeda arrintan waxay ku doodayaan in dhaqaale aanan loo heynin in xildhibaan kasta soo mara baarlamaanka ay lacag usoo dhacdo.

Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland ayaa dhawaan BBC u sheegay in xeer hoosaadkan la doonayay in la waafajiyo xeer hoosaadyada hoose ee golaha wakiilada heer federaalka.

 

“Guddigii waxay soo jeediyeen in xeer hoosaadka golaha dowladda Puntland la waafiyo xeer hoosaadyada goleyaasha wakiilada heer federaal sida uu qabo 9-aad ee xasaanadda xubnaha golaha shacabka farqaddiisa shanaad waxay u dhigantahay marka xildhibaan laga qaadayo xasaanadda waa inay ogoladaan 2/3 tiradii guud ee xubnaha golaha shacbiga”

 

Bishii December ee sanadkii hore ayay aheyd markii baarlamaanka Puntland ay xasaanadda kala noqdeen 8 xildhibaan oo ay eedeyn usoo jeedisay xeer ilaalinta Puntland kuwaas oo lagu eedeeyay shuruucda baarlamaanka Puntland.

 

Sidoo kale bishii Nofeembar 2019, waxay xildhibaanada Puntland xilka ka xayuubiyeen guddoomiyihii baarlamaanka Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed).

Madaxtooyada iyo Baarlamaanka

Khilaafkii xilka looga qaaday guddoomiye Dhoobo-Daareed ayaa la sheegay in uu ahaa mid u dhaxeeya baarlamaanka iyo madaxtooyada Puntland , sida uu BBC-da u sheegay Guddoomiyihii hore Dhoobo-Daareed oo BBC-da la hadlay bishii Nofeembar, 2019-kii.

Wuxuu ku andacoonayaa in xildhibaannada “culeys la saaray, lacagna loo qeybiyay”, inkastoo taasi aan si madaxbannaan loo xaqiijin karin.

Tan iyo xilligaasi, baarlamaanka iyo madaxtooyada waxaa loo arkay kuwa si wanaagsan u wada jaanqaadaya.

BBC-da markii ay weeydiisay guddoomiye Cabdirishiid in xeer hoosaadka cusub uu ka warhayo madaxweynaha, ayuu sheegay in xeer hoosaadyada baarlamaanka ay yihiin wax u gaar ah baarlamaanka, saxiixa ugu dambeeyana uu isaga leeyahay, isaga oo intaas ku daray in aysan jirin sabab madaxweynaha loogu wargaliyo.

Muqdisho-Somalia

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.