War-saxaafadeed W/Arrimaha Gudaha XFS ee xaalada GalMudug * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

War-saxaafadeed W/Arrimaha Gudaha XFS ee xaalada GalMudug

Dawladda Federaalka Soomaaliya waxey ka wallaacsan tahay xasaradaha amni iyo siyaasadeed ee maalmahan ka soo cusboonaaday xarunta KMG ah ee maamulka GalMudug ee degmada Cadaado.

Dawladda Federaalku waxey cambaareyneysaa falalka aan waafaqsaneyn sharciga iyo hannaanka dimoqraadiga ee lagu xayiray dhaqdhaqaaqyada Madaxweyne ku xigeenka, Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka GalMudug, waxeyna ku baaqeysaa in si deg-deg ah xorriyadooda loogu soo celiyo si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.

Dawladda Federaalku waxey ku baaqeysaa in la ixtiraamo go’aankii uu Baarlamaanka GalMudug gaaray maanta oo taariikhdu tahay 26 September 2017, loona hoggaansamo sareynta sharciga.</
Dawladda Federaalku waxey fareysaa hay’adaha amniga inay ka hortagaan xasarad kasta oo keeni karta amni darro saameysa hay’adaha dastuuriga ah, waxeyna ugu baaqeysaa shacabka inay kaalin ka qaataan dhawrista nabadgelyada iyo xasiloonida deegaanka.

DHAMAAD

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!