War-Saxaafadeed:-Ma Jiro Go’aan Ka Soo Baxay Guddiga Xalinta Khlaafaadka Doorashooyinka, Weli Baaris Baa Socota

Read Time:33 Second

Mogadishu, 27 November 2016 – Guddiga Madaxa Banaan ee Xallinta Khilaafaadka waxa uu la socodsiinayaa Shacabka Soomaaliyeed in uu socdo baaritaan ay ku hubinayaan cabashooyin la xiriira in la musuqmaasuqay kuraas ka mid ah doorashooyinka ka socda dalka.

GMXKHDD waxaa u ku wargalinayaa dhamaan inta ay khuseyso
dacwadaha aan gacanta ku heyno, in Guddigu uusan weli dacwadahaas
go’aan ka gaarin.

Muddo dhaw wuxuu Guddiga MXKHDD wuxuu
bilaabayaa dhageysiga dacwadaha, dhinac walibana waxaan siineynaa
fursad uu isku difaaco.

Arrimaha la xiriira Qoondada Haweenka ee 30% oo ay go’aamisay
Madasha Hoggaanka Qaran, Guddiga MXKHDD waxa uu go’aan ka
gaarayaa dacwadaha ay soo gudbiyaan Musharrixiinta Dumarka ah oo
kaliya.

Cabdirazaaq Barre Jaamac
Guddoomiyaha, GMXKHDD

About Post Author

Xuseen Axmed

Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %