
Garowe Zero tolerence-15 Diseember, 2017, Garowe: Qeybo ka mid ah warbaahinta dowliga ah iyo kuwa madaxa bannaan ee Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa tababar ku saabsan sida warbaahinta iyo culumadu uga qeybgali karaan ololaha joojinta gudniinta gabdhaha ugu soo gabagaboobay magaalada Garowe ee caasimadda Dowlad Goboleedka Puntland.
Waxaa tababarka soo qabanqaabiyay Hay’adaha Ifrah Foundation, Global Media Campaign, Unicef, Save the Children iyo Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ee Puntland, iyadoo loogu magacdaray “Akadeemiyadda Tababarka Warbaahinta ee Joojinta Gudniinka Gabdhaha” oo afar maalmood ka socday magaalada Garowe.
Marwada 1-aad ee Puntland, Drs Hodan Said Ciise, oo ah safiir u ololeysa joojinta gudniinka gabdhaha, ayaa kula dardaarantay ka qeybgalayaasha tababarka oo isugu jiray qeybaha kala duwan ee saxaafadda iyo qaar ka mid ah mas’uuliyiintooda iyo sidoo kale culumada diinta, in si kala sooc la’aan ah ay uga shaqeeyaan ciribtirka gudniinka gabdhaha oo dhan. Waxayna gabagabadii ka qeybgalayaasha guddoonsiisay shahaadooyinka dhamaysashada tababarka.
Arrimaha si guud loogu falanqeeyay waxaa ka mid ahaa:
1. In Soomaaliya ay noqotay dalka ugu sareeya adduunka ee ugu badan gabdhaha gudo 98% (boqolkiiba sagaashan iyo sided); waxaana gudniinkaas yahay nooca ugu daran 90% (boqolkiiba sagaashan).
2. Sidee saxaafaddu u dardargalin kartaa kobcinta wacyiga dadka Soomaaliyeed ee ku aadan joojinta Gudniinka guud ahaan.
3. Diyaarinta qorshaha & istraatiijiyadda wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed ee joojinta gudniinka.
4. Dhaqangelinta qorshe qaran ee Joojinka Gudniinka nooc kasta.
5. Sidii loo xoojin karaa xiriirka, wadashaqeynta iyo horumarinta warbaahinta Soomaaliya ee joojinta gudniinka.
6. Dhaqaatiirta ayaa muujiyay baaxadda dhibaatada gabadhaha ka soo gaarta noocyada gudniinka.
Falanqeyn dheer kadib, ka qeybgalayaashu, waxey isla garteen qoddobadan soo socda:
Ka qeybgalayaasha tababarka, waxay u mahadceliyeen Marwada1-aad ee Puntland, oo kala soo geybgashay furitaankii iyo xiritaankii tababarka, iyadoo isla markaana dhiirigalisay ka qeybgalayaasha. Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ee Puntland, Hey’adaha Ifrah Foundation, UNICEF, Save the Children iyo Agaasimaha Isbitaalka Garowe, Dr Abdisamad Ahmed, ayaa iyaguna si gaar ah loogu mahad celiyay kaalintooda mugga weyn ay suurto geliyeen tababarka.
Ka qeybgalayaashu, waxay isla garteen in loo midoobo, oo si wadajir ah looga shaqeeyo sidii hal cod looga yeelan lahaa, meelna looga soo wada jeesan lahaa Gudniinka Gabdhaha Soomaaliyeed.
Ka qeybgalayaashu, waxay isla garteen in fariimo mideysan ay warbaahinta ka diraan dhibaatooyinka gudniinka, iyagoo la shaqeynaya culumaa’udiinka, dhaqaatiirta iyo hey’adaha ka shaqeeya joojinta gudniinka.
Ka qeybgalayaashu, waxay soo saareen qorshe howleedka sanadka 2018 ee wacyigalinta la xiriirta joojinta guud ahaan gudniinka.
Ka qeybgalayaashu, waxay isla garteen in dhaqangelinta qorshaha laga wada shaqeeyo.
Ka qeybgalayaashu, waxay isku raaceen in la sameeyo guddiyo heer maamul gobol iyo heer qaran, oo si buuxda uga shaqeeya ololaha joojinta gudniinka gabdhaha.
Ka qeybgalayaashu, waxay ku ballameen in ay si wadajir ah ay u wada dhaqan geliyaan qorshe howleedka ololaha warbaahinta ee joojinta gudniinka gabdhaha.
Ka qeybgalayaashu, waxay cambaareeyeen ficilada guddidda gabdhaha Soomaaliyeed, uguna baaqeen bulshada Soomaaliyeed in ay joojiyaan, maadaama ay dhaqaatiirtu cadeeyeen in aysan wax faa’iido ah u lahayn gabdhaha iyo guud ahaan bulshada, ayna tahay arrin dhibaato joogto ah u leh gabdhaha la gudo, laga bilaabo marka la jaro, xilliga dhiigu ku dhaco iyo marka ay dhalaan.
Ka qeybgalayaashu, waxay ugu baaqeen dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah in ay ansixiyaan sharciyo mamnuucaya gudniinka gabdhaha oo dhan, isla markaana dhaqan galiyaan inta lagu jiro sanadka 2018.
Ka qeybgalayaashu, waxay isku raaceen in maalinta 15-ka May ee dhalinyada Soomaaliyeed la qabto munaasabad ballaaran, oo ay ka soo qeyb galaan madaxda dalka, madaxda dalka ugu sareysana ay ka soo jeediyaan baaqyada joojinta gudniinka gabdhaha.
1.
Ugu dambeyntii ka qeybgalayaashu, waxay ugu baaqeen bulshada Soomaaliyeed in ay joojiyaan gabi ahaan gudniinka gabdhaha, oo hay’adaha xuquuqda aadanuhu ku tilmaameen in uu yahay xadgudub lagu sameynaya caruurta gabdhaha ah ee Soomaaliyeed.
DHAMAAD
MAHADSANID,
JOOJI GUDNIINKA