WAR DEGDEG AH: Qarax caawa ka dhacay Nairobi * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

WAR DEGDEG AH: Qarax caawa ka dhacay Nairobi

5 qof ayaa ku dhaawacantay qarax Fiidnimaddii caawa ka dhacay gudaha gaari Bas (Matatu) oo ka dhex shaqeeya Deegaanka Umoja ee magaalladda Nairobi.

Dadka dhaawacmay ayaa la sheegay inay ku gubteen faliiradda ka soo haadayey waxyaabihii qarxay.

Baska uu qaraxu ka dhacay ayaa la sheegay inuu ku sii jeeday Deegaanka Kayole.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen dab ka kacay Batariga Baska, ka hor intaysan maqlin qarax weyn.

Saraakiil kale ayaa sheegay inay suurtogl tahay inuu qof ka mid ah Rakaabka uu Jirgaan uu Bansiin ka buuxay ku dhex watay Baska.

Taliyaha Boliska Nairobi, Japeth Koome waxa uu sheegay inaan weli la garanin waxa sababay qaraxaasi, iyadoo uu basku aad u gubtay.

Waxa uu intaasi ku daray inay Kooxaha baara qaraxyadda u direen goobtaasi, si ay u soo qiimeeyaan xaalladda.

Gawaarida Ambalaasta ayaa la arkayey iyagoo dadka ku dhaawacmay qaraxaasi u sii daad-gureynayo Isbitaalka Kenyatta National Hospital ee magaalladda Nairobi.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!