Wufuudda Ka Qeybgelysa Caleemo Saarka Madaxweynaha Puntland Oo Ku Qulqulaya Garowe * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wufuudda Ka Qeybgelysa Caleemo Saarka Madaxweynaha Puntland Oo Ku Qulqulaya Garowe

Garowe – Mareeg.com: Wufuud ka qeybgalaya caleemo saarka madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo berri oo ah 24-01-2014 ka dhaceysa Garowe ayaa ku qulqulaya magaaladaas.

Wafdi uu hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Axmed Madoobe oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha Kismaayo ayaa sheegay in wafdiga uu hoggaaminayo uu Garoowe uga qaybgalayo caleemo-saarka Cabdiweli Maxamed Cali oo dhowaan loo doortay inuu noqdo madaxweynaha maamulka Puntland.

Axmed Madoobe waxaa socdalkiisa ku waheliyey, wasiirro ka tirsan maamulka iyo raysal wasaarihii horre ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi.

Waftigaan uu hor-socdo Axmed Madoobe waxaa soo dhamweeyey madaxweynaha dowladda Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo ku-xigeenkiisa Camey iyo m boqollal dadweynaha reer Garoowe ah.

Sidoo kale, Xubno ka tirsan wasiirrada maamulka Galmudug ayaa oo ka ambabaxay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa gaaray Garowe si ay uga qeybgalaan caleemo-saarka madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali.

Wasiir ku-xigeenka haweenka iyo arrimaha qoyska ee maamulka Galmudug, Saynab Cismaan Xasan oo la hadashay Bar-kulan ayaa sheegtay in ay casuumaad ka heleen mas’uuliyiinta maamulka Puntland.

Sidoo kale, madaxweynaha maamulka Ximan iyo Xeeb Cabdullaahi Cali Maxamed (Baarleex) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo ka duulay degmada Cadaado oo xarun u ah maamulkaas ayaa gaaray Garowe.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu wafdigiisu uga qaybgalayo Garoowe caleemo-saarka madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali.

Waxa la filayaa in munaasabada caleema saarka ay doiwladda Soomaaliya nuga qeybgalaan wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha baarlamanka Prof. Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari iyo wafri uu hogaaminayo oo lagu wado iney biri aroorta gaaraan Garowe.

Sidoo kale, waxaa la filayaa iney caleema saarka ka qeybgalaan wafdi ka socda dowladda deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Dhanka beesha caalamka, waxaa la filayaa iney xafladda ka qeybgalaan wakiilo ka kala socda dowladaha Kuwayd, Turkiga, Qadar, Ururka IGaD & xubno kale oo ka socda dalalka reer Galbeedka.

C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa 8-dii bishaan Janaayo 2014 ku guuleystay xilka madaxweynaha Puntland isagoo hal cod oo kaliya uga adkaay C/raxmaan Faroole oo 5 sano soo hogaamiyey maamulka Puntland.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!