War Deg Deg ah: Wasiir katirsan Xukuumada Somalia oo xilka laga qaaday iyo Wasiir Cusub oo la magacaabay

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Xukuumada Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa xilka ka qaaday Wasiirkii Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumada Soomaaliya Mudane Guuleed Xuseen Qaasim.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa xilkii looga qaaday Wasiirkii Isgaarsiinta iyo Boostada, waxaana Wareegtan lagu magacaabay Wasiirka Cusub ee Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Maxamed Jaamac Mursal.

Sida aan Wararka ku heleno Wasiirka Cusub ee la magaacay ayaa ah nin aad ugu dhaw Madaxweyaha Maamulka Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe, waxaana xil ka qaadasta Wasiirkii hore iyo magacaabista Wasiirkan cusub la sheegay in uu kaalin ku lahaa Axmed Madoobe.

Wasiirkii hore ee Wasaarada Isgaariinta iyo Boostada Guuleed Xuseen, ayaa lagu eedeeyay in uusan wax muuqda ka qaban wasaarada intii uu joogay, waxa ayna Wasaaradan kamid aheed Wasaaradaha ugu shaqada yar Xukuumada Soomaaliya.