Mareeg Media
Somalia

War Deg Deg Ah :Taliye Kuxigeenkii Ciidanka ilaalada Madaxtooyada oo goordhaw la dilay

Ilo wareed oo goordhaw kusoo dhacay ayaa sheegaya in la dilay Taliye Kuxigeenkii Ciidanka ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya.

Sargaalka la dilay oo magaciisa lagu soo kobay qoorgaab ayaa waxaa dilkiisa ka dambeeyay sida aan wararka ku heleyno askari katirsan ciidanka ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidanka ilaalada Madaxtooyada ay gacanta ku dhigeen askariga dilka u geestay Taliye Kuxigeenkii Ciidanka Madaxtooyada Soomaaliya, walina lama oga sababta dilkan ka dambeysa.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin dilkan goordhaw ka dhacay xarunta Madaxtoyada Soomaaliya ee loo geestay sargaalkan madaxda u ahaa ciidanka ilaalada Villa Soomaaliya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!