Waxaa goordhow Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya ka furmay Shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo ay ka qeyb galayaan dhamaan Madaxda maamul Goboleedyada Dalka ka jira.
Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee goordhow ka furmay Muqdisho ayaa waxaa si Rasmi ah u furay Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaana Shirkan ka qeyb galaya Madaxweyne Xasan Sheekh, Guddoomiye Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid, Ra’iisul wasaare kuxigeenka, Madaxweynayaasha Koofur Galbeed, Galmudug, Jubbaland, Hirshabeelle iyo Madaxweyne kuxigeenka Puntland.
Shirkan maanta Muqdisho ka furmay ayaa inta badan waxaa looga hadli doonaa Arimaha Doorashooyinka.
Waxaa ka mid ah qodobada sida aadka ah looga hadli doono tabashada ay qabaan maamulka Puntland ee ku aadan Doorashada Xildhibaanada ka imaanaya degaanada maamulka Somaliland iyo Arimo kale oo la xariira Doorashooyinka.