War Deg Deg Ah:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Goordhow U Ambabaxay Magaalada New York
Wafdi uu hogaaminao Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa goordhow ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho iyagoona kusii jeeda Magaalada New York ee dalka Mareykanka.
Wafdiga uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa ku wehlinaya xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa Magaalada New York ee dalka Mareykanka kaga qeyb geli doona Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo Madaxda Caalamku ay sannadkiiba mar isugu yimaadaan.
Waxaa sidoo kale Shirkaan lagu casuumay in uu ka soo qeyb galo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo balse waxaa la sheegay in uu ka baaqday Shirkaasi.
Dhawaan Magaalada New York ee dalka Mareykanka waxaa gaaray wafdi horudhac u ah dowlada Soomaaliya oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo xubno kale.
Comments are closed.