War Deg Deg Ah:-Qaraxyo goordhow ka dhacay Muqdisho
Waxaa goordhow qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho laga maqlay Qaraxyo waa weyn,kuwaasi oo ka dhacay Isgoyska Dabka.
Waxaa la sheegay in Qaraxyada ay ahaayeen kuwo lagu soo xiray Gawaari ,isla markaana ku qarxay bartamaha laamiga.
Qaraxyadan ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dadkii goobta agdhawaan.
Rasaas xoogan ayaa ka dhaceysa Goobta ay Qaraxyada ka dhaceen,waxaana gaaray Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya,kuwaasi oo xiray Goobta.
Ilaa iyo hada lama og Khasaaraha ka dhashay Qaraxyadaasi ee ka dhacay Isgoyska Dabka ee Gobolka Banaadir.
Comments are closed.