War Deg Deg Ah:-Qarax xoogan oo ka dhacay Ceel-waaq

Read Time:35 Second

Wararka aan ka heleyno Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayan in halkaasi goordhow uu ka dhacay Qaraxa xoogan oo laga maqlay xaafadaha ay ka kooban tahay Degmadaasi.

Dad goobjoogayaal oo ku sugan gudaha Degmada Caal-waaq  ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay inoo sheegeen in qaraxa uu ahaa mid xoogan,isla markaana uu ka dhacay maqaayad shaaha laga cabo oo ku taala degmada Ceel-waaq.

Sidoo kale waxaa la sheegay maqaayada uu qaraxa ka dhacay in uu ku dhowyahay saldhig Booliis oo ku yaala degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha ka dhashay Qaraxaasi,inkastoo uu jiro khasaaro basle aan la xaqiijin inta uu la’eg yahay.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %