War Deg Deg ah :Magaalada Muqdisho oo manta Internet la,aan ah iyo Shirkadaha Magaalada oo jahwareersan!! * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

War Deg Deg ah :Magaalada Muqdisho oo manta Internet la,aan ah iyo Shirkadaha Magaalada oo jahwareersan!!

Waxaa Habeenimadii Xalay la waayay adeegii internetka ee Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka Soomaaliya taasoo Jahwareer ku riday dhaq dhaqaaqii ganacsi ee Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan ganacsigii Dalka.

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho iyo Gobolada Soomaaliya ayaa sheegaya in ay saakay ka jirto halkaas Internet la,anta taasi oo sababtay in ay shaqayn waayaan Xawaladihii dalka ka jiray, shirkadihii Isgaarsiinta iyo xata bangiyadii dalka ka Jiray

Wararka ayaa sheegaya in Xawaaladaha magaalada Muqdsiho ay dhooban yihiin macaamiisha kuwaas oo raadinaya lacagahooda Xaqal Ciida ah, Balse ay Maamulka xawaaladaha ay ku war galiyeen in ay jirto Internet la,anta Inkastoo Inta badan ay xiran yihiin Xarumaha waa wayn ee Xawalaadaha .

Dhanka kale Mar aan Xiriir la sameenay Qaar kamid ah Shirkadaha bixiya Internetka ayaa noo xaqiijin waayay sababaha keenay manta in dhamaan Magaalada Muqdosho ay ka dhacdo internet la,aan waxayna hadalka ku soo gaba gabeeyen in shaqo laga hayo internetka

Ugu Danbayntii Lama Oga Sababaha ka danbeeya in Maanta laga Jaro Internetka guud ahaan Magaalada muqdisho iyo Qaar kamid ah Gobalada Dalka Soomaliya waxaana jira warar sheegaya in fibre optico laga helo qadka Internetka ay Cilad ku timid, waxaana la sheegay in lala tacaalaayo Ciladaas.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!