War Deg Deg Ah:-Madaxweynihii DDS Oo Si Lama Filaan Isku Casilay & Ku Cusub Oo La Magacaabay — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

War Deg Deg Ah:-Madaxweynihii DDS Oo Si Lama Filaan Isku Casilay & Ku Cusub Oo La Magacaabay

Guddiga fulinta Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa Goordhow waxa ay Magacaabeen Madaxweyne Cusub dowlad deegaanka soomaalida Itoobiya,ka dib kulan ay Maanta yeesheen.

Warar soo baxay ayaa waxa ay sheegayaan in madaxweynihii dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar uu is casilay sababo la xiriira rabshadaha khasaaraha egsytay ee ka dhacay magaalooyinka Waaweyn sida Jigjiga iyo Diridhaba.

Gudiga Fulinta Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxa ay u Magcaabeen Xilka Madaxeynaha Cusub ee Dawlad Deeganka Soomalida Itoobiya Axmed Cabdi Maxamed(Ilkacase)

Dad badan oo siyaasada la socda ayaa waxa ay qabaan in xiisadii ka jirtay Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ay yareyn karto isbedelka Cusub ee lagu sameeya Hoggaankii ugu sareeyey.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!