War Deg Deg Ah : Madaxweyne Xasan Sheekh oo goordhaw hadlay Fariina u diray Shacabka Soomaaliyeed * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

War Deg Deg Ah : Madaxweyne Xasan Sheekh oo goordhaw hadlay Fariina u diray Shacabka Soomaaliyeed

Mareeg.com- Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo goordhaw la hadlay Warbaahinta Dowlada ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay Warar been ah oo maanta laga baahiyay xaaladiisa caafimaad.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uu Dalka Turkiga ku joogo booqasho aan rasmi aheyn , waxa uuna intaa raaciyay in uu Turkiga la joogo qoskiisa Xaaladiisa caafimaadna ay tahay mid wanaagsan.Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tilmaamay dadka maanta faafiyay Wararka been abuurka ah ee qal qalka lagu galinayo amaanka Dalka ay ka dambeeyaan dad u shaqeeya Xarakada Al-Shabaab.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacaka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ku kalsoonaadaan Dowladooda dhagahana ka fureestaan wararka been abuurka ah ee qal qalka lagu galinayo amaanka Dalka .“Waa cadow umadda Soomaaliyeed ah dadka warka been abuurka ah faafiyay, shacabka waxaan u sheegayaa in dadka wararkaasi ka dambeeya ay yihiin shaqsiyaad u adeega argagixisada Al-Shabaab” ayuu yiri Madaxweynha.Madaxweynaha Soomaaliya ayaa amray Hay’adaha amaanka Qaranka in ay baaritaan deg deg ah ku sameeyaan dadkii ka dambeeyay wararka been abuurka ah ee lagu waxyeeleynayay xaaladiisa caafimaad.Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya xili maanta Qaar kamid ah Warbaahinta iyo dad warxumo tashiil ah faafiyeen in Xaalada Madaxweynaha Soomaaliya ay tahay mid halis ah uuna ku jiro Isbitaal kuyaala Dalka Turkiga.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!