War Deg Deg Ah Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu Hogaaminayo oo goordhaw ka dagay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo

Read Time:1 Minute, 7 Second

Wararka naga soo gaarayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in goordhaw garoonka Diyaaradaha ee Magaaladaasi ay ka dagtay diyaarad qaas ah oo wada Madaxweynaha Soomaaliya iyo xubno katirsan labada golle ee Dowlada.Wariyaal kusugan Magaalada Kismaayo ayaa ku waramaya in Madaxweynaha iyo wafdiga lasocda si aan caadi aheyn loogu soo dhaweeyay gudaha Garoonka Kismaayo halkaasi ay kusugan yihiin Masuuliyiinta Maamulka Jubba iyo Boqolaal dadweyne oo loogu tala galay soo dhaweynta Madaxweynaha iyo xubnaha lasocda.Madaxweynaha iyo xubnaha lasocda ayaa hada kusugan garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo , waxaana la filayaa in wafdiga Madaxweynaha hogaaminayo loo galbiyo gudaha Magaalada Kismaayo.Amaanka Garoonka Diyaardaha Kismaayo iyo guud ahaan Magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana halkaasi kusugan Ciidamo tiro badan oo katirsan Maamulka Jubba , Ciidamada ilaalada gaarka u ah Madxaweynaha iyo Ciidamada AMISOM ee Kismaayo jooga.Wafdiga Madxaweynaha Hogaaminayo ayaa la filayaa in caawa ku hoydaan Magaalada Kismaayo sida aan Wararka ku heleyno , waxa ayna kulamo kala duwan la qaadan Doonaan Wafdiga Madaxweynaha Maamulka Jubba iyo qeybhaa kala duwan ee Buslada Magaalada Kismaayo, iyagoo sidoo kale booqan doona goobo muhiim ah ay ku jirto Dakada Kismaayo.Waa safarkii ugu horeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tago Magaalada Kismaayo waxa sidoo kale Safarka Madaxweynaha ee Kismaayo ku tagay maanta ay noqoneysaa booqashadii ugu horeeysay oo Madaxweyne ku tago Kismaayo tan iyo Dowladii dhaxe ee Dalka.

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %