War deg deg ah: Gudoomiyihii gobolka Hiiraan oo xilka laga qaaday & gudoomiye cusub oo lagu bedelay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

War deg deg ah: Gudoomiyihii gobolka Hiiraan oo xilka laga qaaday & gudoomiye cusub oo lagu bedelay

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle Cali C/llaahi Osoble ayaa xilkii looga qaaday Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Daba-geed) iyadoo lagu magacaabay Gudoomiye Cusub.

Cali Jeyte Cismaan ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha Cusub ee Maamulka Gobolka Hiiraan ee Hir-shabeelle.

Madaxweyne Cali Cabdulaahi Cosoble oo shir jaraaid ku qabtay Jowhar ayaa waxa uu ku sheegay in maadaama xaalad adag oo dhinaca amniga ah lagu jiro loo baahan yahay in wax laga qabto ammaanka maamul goboleedka Hirshabeelle isagoo magacaabay guddi nabadgelyo oo ka shaqeeya arrimaha amaanka gobolka Hiiraan.

Magacyada guddigan ayaa waxay kala yihiin:-

S/guuto Cumar Aadan Dhabad.
G/Sare Tawane Axmed Muxumad.
G/sare Isaaq Cali Cabdulle.
G/sare Isaaq Cismaan Idiris.
G/sare Axmed Cabdi Weheliye.
G/dhexe Cali Cabdi Mahadalle.
Dhamme Xasan Maxamed Ibraahim.

Wareegtadan ayaa noqneysa tii ugu horeysay ee uu soo saaro Madaxweynaha Hirshabelle tan iyo markii dhowaan xilkaas loo doortay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!