War Deg-deg ah; Guddoomiyaha Doorashada Madaxweynaha Koofurgalbeed oo is casilay




Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa sheegaya in uu goordhow ku dhowaaqay guddoomiyihii guddiga doorashada Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koofurgalbeed Xildhibaan Carfo Ibraahin Aadan inuu iska casilay xilkaas.

Hase yeeshee lama oga sababta uu isku casilay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka iyadoo howlaha guddiga doorashaduna ay maanta si rasmi ah u bilowdeen kadib markii la siiyay shahaadada musharaxnimada Muqtaar Roobow.

Dhinaca kale waxaa soo xoogeysanaya warar la isla dhex marayo oo sheegaya in Madaxweynaha KoofurGalbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uu qorsheynayo inuu ka tanaasulo musharaxnimada doorashada Maamul goboleedka Koofurgalbeed.

Hase yeeshee warkan ayaan ahayn mid rasmi ah iyadoo la filayo in uu go’aankiisa kama dambeynta ah ku dhowaaqo dhowaan Shariif Xasan Sheekh Aadan.





Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com