
Zam Zam Daahir Maxamuud ayaa ku guuleesatay in ay kamid noqota Xubnaha Aqalka sare, waxa ayna ka guuleesatay gabar kale oo kula tartameysay kursigaasi oo lagu magacaabo Faadumo Macalin Cumar.
Sida aan Wararka ku helyno Zam Zam Daahir Maxamuud ayaa taageero badan ka heesatay Madaxweynaha maamulka Galmudug iyo Madaxtooyada Soomaaliya, waxa ayna gabadhan xubin sare ka aheed Xisbiga Madaxweynaha Soomaaliya.
Zam Zam Daahir Maxamuud ayaa noqoneysa gabadhii ugu horeesay oo xubin ka noqota Aqalka sare , waxaa sidoo kale la filayaa in maamulka Galmudug gabar kale ee kasoo baxdo , waxaana la saadaalinayaa in ay soo baxeyso Xildhibaanad Jawaahir Axmed Cilmi.
Maamulada kale ee dalka ka jira ayana wali ka bilaaban doorashada xubnaha kamidka noqonaya aqalka sare, waxaana la filayaa maalmaha soo aadan caasimadaha maamul goboleedyada in ay ka dhacaan doorashada xubnaha aqalka sare.