War Deg-deg ah: Diyaarad Xamuul ah oo ku dhacday deegaanka Carbiska

Read Time:38 Second

Wararka ugu dambeeyay ee ku saabsan diyaarad gelinkii dambe ee maanta dul heehaabaysay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in ay ku dhacday deegaanka Carbiska oo u dhexeeya magaalada Muqdisho iyo degmada Afgoye.

Duuliyihii iyo shaqaalihii saarnaa diyaarada ayaa ka badbaaday kadib markii diyaarada ay ku dejiyeen waddo jaay ah iyadoo markii dambana fariisatay.  Illaa lix ruux oo lagu sheegay dhalashadooda Masaari kana shaqeynayay diyaarada ayaa laga soo dejiyey iyagoo bed qaba.

Ciidamo isugu jira Soomaali iyo AMISOM oo gaaray goobta ay ku dhacday diyaarada ayaa ilaalinayay agaba saaran diyaarada iyadoo aan la ogeyn waxa ay yihiin.

Dad ku sugan deegaanka Carbiska oo aan la xiriirinay ayaa sheegay in diyaarada ay ku dhacday meel  aan ka fogeyn saldhig ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaanka Carbiska.

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %