War Deg Deg Ah : Diyaarad ay leedahay Shirkada EgyptAir oo la afduubtay (Daawo Sawirada) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

War Deg Deg Ah : Diyaarad ay leedahay Shirkada EgyptAir oo la afduubtay (Daawo Sawirada)

Diyaarad ay leedahay shirkada EgyptAir ayaa la afduubtay kadib markii ay ka duushya garoonka diyaaradaha magaalada Alexandaria, kuna sii jeeday magaalada Qaahira ee casaimada dalka Masar.

Nin la sheegay in waxyaabaha qaraxa ay kirkiisa ku xiranyihiin ayaa afduubtay diyaaradan ay saaran yihiin 55-rakaab ah iyo 7-shaqaalaha diyaarada ah, waxaana afduubka diyaardaan xaqiijiyay maamulka shirkada iyo waliba Dowlada Masar.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo diyaarada la afduubtay ayaa sheegaya in Diyaarada ku degtay garoon diyaaradeed oo ku yaala Qubrus, waxaa la hakiyay howlihii duulimaadka garoonka ay ku degtay iyadoona ciidamada amaanka ay hareereeyeen diyaarada.

Dadkii rakaabka ahaa ee saarnaa diyaarada ayaa inta badan loo ogolaaday in ay diyaarada ka degtaan, waxaana hada diyaarada gudaheeda ninkan hubeesan uu ku heestaa dhoor qof oo ajaaniib ah iyo shaqaalaha diyaaradaha.

Wali ma cada ninka afduutay diyaarada waxa uu yahay , mana jiraan wax dalabaad ah uu soo jeediyay ninkan, waxaana socda dadaalo lagu doonayo in lagu bad baadiyo dadka diyaarada gudaheeda lagu heesto.hijac_3hijac_3

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!