War Deg Deg Ah:-Dagaal Xoogan Oo Goordhow Ka Qarxay Deegaanka Ceelasha Biyaha

Wararka Caawa aan ka heleyno Deegaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayan in goordhow halkaasi uu ka qarxay Dagaal xoogan.

Dagaalka ayaa waxa uu u dhaxeyaa Ciidanka dowlada Soonaaliya AMISOM iyo Ururka Al Shabaab waxaana Dagaal la isku adeegsanayaa hubka cul culus.

Ilaa hada lama oga Khasaaraha rasmiga  ah ee dhashay Dagaalka Caawa ka socda Deegaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Magaalada Muqdisho.

About Xuseen Axmed 1576 Articles
Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia