War Deg Deg Ah:-Dagaal Hada Ka Socda Magaalada Caabudwaaq

Wararka aan ka heleyno Magaalada Caabudwaaq ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayan in hada halkaasi uu ka socdo dagaal culus.

Dagaal culus ayaa goordhow ka qarxay gudaha Magaalada Caabudwaaq kaa oo u dhaxeeya Maleeshiyo Beeleed wadadaga halkaasi waxaana ka dhashay khasaaro xoogan.

Dad ku sugan Magaalada Caabudwaaq ayaa inoo sheegay in dagaalka uu yahay mid xoogan oo rasaasta laga maqlayo xaafadaha Magaalada.

Mas’uuliyiin ka tirasan maamulka Magaalada Caabudwaaq oo ka hadlay dagaalka ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka ka socda Caabudwaaq.

 

About Ardaan Yare 453 Articles
Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga