War Deg Deg Ah :-Dab ka kacay Suuq ku yaalla Magaalada Muqdisho
Wararka naga soo gaaraya Suuqa maanaboliyo ee Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayan in goordhow uu Dab ka kacay Suuqaasi.
Waxaa la sheegayaa in dabku uu sigaar ah uga ka kacay Suuqa lagu iibiyo Galeyda,waxaana halkaasi gaaray Gaadiidka dab damiska ah ee maamulka Gobolka Banaadir.
Dad ku sugan Suuqa maanaboliyo ee Degmada Shibis ayaa waxa ay sheegeen in dabka uu yahay mid xoogan,isla markaana dadku ay ku howlan yihiin sidii ay u damin lahaayeen dabkaasi.
Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha hantiyeed ee ka dhashay dabkan ka kacay Suuqa Maanaboliyo oo ku yaalla Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir.
Comments are closed.