War Deg Deg Ah Banaanbax balaaran oo Gordhaw ka bilowday qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho

Read Time:42 Second

Waxaa goordhaw Bananabax balaaran oo lagu dalbanayo in Dowlada Soomaaliya cadeyso maqaamka Gobolka Banaadir uu ka bilowday qeyb kamid ah magaalada Muqdisho.

Banaanbaxa ay ka qeyb galayaan dadweyne aad u badan oo wata boorar ay ku qoran yihiin in la cadeeyo maqaamka Gobolka Banaadr ayaa isugu soo baxay goobo kuyaala Muqdisho ay kamid tahay Barxada Sayidka, Daljirka Dahsoon, Isgooska KM4 iyo qeybo kale oo kamid ah Magaalada Muqdisho.

Dadka dhigaya banaanbaxa oo ka kala yimid Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa ku qeylinaya ereyo ay ku dalbanayaan in lasoo celiyo maqaamkii ay laheed Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Banaanbaxa ayaa imaanaya xili Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran lagu go’aamiyay in aqalka sare lagu soo xulo Qaab Gobol, waxaana xubnaha aqalka loo qeybiyay Gobolada dalka iyadoona Gobolka Banaadir aan hal xubin xitaa aan laga siin aqalka sare taa oo ka careesiisay dadka degan Gobolka Banaadir

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.