Mareeg.com: Ciidamada Ahlsunna Waljamaaca ee horay looga saaray deegaanka Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa maanta weerar ku qaaday halkaas, iyadoo ay is fara saareen ciidamada dowladda Soomaaliya ee halkaas ku sugnaa.
Wararka ka imaanaya Guriceel ayaa sheegaya in ciidamadii Ahlusuna ee maalmahaan isku abaabulayey deegaanka Balli-howd oo dhanka waqooyi ilaa 60 KM kaga beegaan magaaladaas ay saaka weerareen Guriceel.
Sida ay ku warramayaan wariyaasha ku sugan gobolka Galgaduud, dagaalka oo markii hore saaka todobadii aroornimo ka qarxay meel ka baxsan magaalada ayaa ku fiday qeybo ka mid ah xaafadaha Guriceel.
Markii dagaalka ka bilwoday banaanka magaalada ayaa dad farabadan bilaabeen iney qaxaan si ay uga baxsadaan rasaasta xooga leh ee ay is dhaafsanayaan labada dhinac.
Lama oga halka arrintu ku dambeyn doonto iyo dagaalkaas saameyn ku yeelan doono safarka horay loo qorsheeyey ee madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu maanta ku tegi lahaa magaalada Dhuusamareeb.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.