War Deg Deg ah. Agaasimaha Hay’ada Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka oo la magacaabay )

Mareeg.com-War goor dhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, C/weli Sheekh uu Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Somalia u magacaabay C/llaahi Maxamed Cali oo ku magic dheer ‘’Sanbaloolshe’’ oo horey u ahaa safiirkii Soomaaliya u fadhiyey dalka Ingariiska.

Ka hor ku dhawaaqista Agaasimaha Hay’adda loo magacaabay ayaa waxaa la sheegayaa in Ra’isulwasaaraha uu magacaabistaasi kala soo tashtay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,waxaana Magacaabista Agaasimahaasi soo dhaweeyay Madaxweyne Xassan.

Magacaabista Agaasimaha Hay’ada Sirdoonka iyo Nabadsugida ayaa waxa ay imaaneysaa xilli Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha Saacadihii lasoo dhaafay xil ka qaadis iyo xil u magacaabisba ku sameeyen Taliyayaasha Hay’adaha Ammaanka Qaranka

Sidoo kale, Magacaabista Agaasimaha Cusub ayaa waxa ay kusoo beegmeysa Xilli Maanta la magacaabay wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya General Khaliif Axmed Ereg.

Lama saadalin karo waxqabadka uu la imaan doonaan Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka balse waxa ay shacabku is weydinayaan halka Agaasimaha uu kala imaaday Khibrada uu ku xaqiijinaayo Ammaanka Magaalada Muqdisho maadama inta badan Wakhtigiisu uu ahaa shaqsi si gaar u daneeyo Siyaasada oo kaliya.