War Deg Deg Ah:-Afhayeenka Wasaarada Amniga Oo Is Casilay

Read Time:39 Second

Afhayeenka Wasaarada Amniga Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdi Casiis Cali Ibraahim xildhibaan  ayaa Goordhow xaqiijiyay in dowlada Federaalka Soomaaliya uu ka helay Warqad xilka looga qaadayo.

Cabdi Casiis Xildhibaan  oo la hadlay mid kamid ah Idaacadaha ku yaalla Muqdisho ayaa sheegay in uu Warqadaas u keenay Wasiirka Amniga balse isaga mudo Shan Cisho  kahor uu iska Casilay xilkii Afhayeenka Wasaarada Amniga.

Wuxuu kale uu sheegay Cabdi Casiis Xildhibaan in sababta uu isku Casilay ay aheyd in uusan jecleyn in dalkaan uu dhibaatada weli kusii jiro.

Shalay ayaa waxaa Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya uu jeediyey hadalo uu ku weeraray Madaxda dowladda Soomaaliya si gaar ah laamaha amniga,isaga oo ka fal celinayey weerarkii Ururka Al Shabaab Sabtidii ay ku qaadeen Xarunta Otta Otte oo ay ku yaalaan Xarumaha Wasaaradaha amniga iyo Gudaha.

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %