WAR CUSUB:-Turkiga oo xero milatari ku wareejiyay Dowladda Somalia * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

WAR CUSUB:-Turkiga oo xero milatari ku wareejiyay Dowladda Somalia

Dowladda Turkiga ayaa sabtidii maanta ah xero milateri ku wareejiyay Dowladda Faderaalka Soomaaliya gaar ahaan milatariga sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda difaacada dowladda Turkiga ayaa waxaa lagu sheegay inay dowladda Federaalka ay ku wareejiyeen Xarumihii 1-aad ee uu Turkigu ka dhisay Magaalada Muqdisho

“Iyadoo qayb ka ah dib-u-habeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, xaruntii Xarumihii 1-aad ee uu Turkigu ka dhisay Muqdisho waxaa lagu wareejiyay mas’uuliyiinta [Soomaaliya],” ayaa lagu yiri qoraal laga daabacay bogga Wasaaradda Difaaca ee Turkiga.

Turkiga wuxuu dhisay iskuulo, isbitaalo iyo kaabayaasha dhaqaalaha, wuxuu kaloo soomaalida siiyay deeqo waxbarasho oo ay wax ku bartaan dalka Turkiga, isla markaana dowladda Federaalka ka taageeray dhinaca tababarada Ciidanka.

Walaac ayaa laga muujiyay ciidanka uu Turkiga u tababaray Soomaaliya loo adeegsaday caburinta siyaasiinta ka soo horjeeda siyaasada Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.