Waqtiga uu furmayo kalfadhiga 4-aad ee golaha shacabka oo lagu dhawaaqay

Read Time:49 Second

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiksa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta waxaa lagu uu shaaciyay waqtiga rasmiga ah ee uu furmi doono Kal-fadhiga 4aad Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo haatan ku jira fasax.

Waxa uu sheegay Guddoomiye Mursal in kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya uu furmi doono 10-ka bisha September ee bisha soo socota.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ah ee ku maqan dalka dibadiisa ayaa waxa uu Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya  ku wargeliyey in ugu dambeyn 5-ta bisha September ee sanadkaan ay dalka ku soo laabtaan.

“Sida aad la socoto furitaanka kalfadhiga 4-aad, ee Golaha shacabka waxaa loo qorsheeyay in la furo 10-ka September 2018-ka, sidaasi daraadeed waxaa dhammaan Xildhibaanada Golaha shacabka laga codsanayaa iney dalka soo galaan ugu danbeyn 5-ta September 2018, diyaarna u noqdaan xil-gudashada uga beegan kalfadhiga 4-aad ee Golaha shacabka,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %