Mareeg Media
Somalia

Waqtiga uu furmayo kalfadhiga 4-aad ee Aqalka Sare oo lagu dhawaaqay

Guddiga Joogtada ee Golaha Aqalka sare ayaa kulan ay yeesheen waxay kaga hadleen Xilliga fadhiyada Golaha la bilaabayo, Warbixinadii Xog Aruurinta Guddiyadii loo kala diray Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka Soomaaliya, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi.

Fadhiga ayaa markuu soo gaba gaboobay waxaa Warbaahinta Qaranka la hadlay Sen, Cabdi Kaafi Macalin Xasan oo ah Habdhooraha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaana uu sheegay in Ajendaha  uu ka koobnaa dhowr Qodob fadhigana lagu Magacaabay Guddi laanta fulinta Dowlada kala xaajooda dhameynta Khilaafka soo kala dhex galay Dowlad Goboleedyada iyo Dowlada dhexe, iyadoo dhanka kalena uu habdhoore C/kaafi Macalin Xasan uu sheegay in fadhiyada Golaha Aqalka sare BFS la go,aansaday inay bilowdaan 10 ka bishan.

“Waxaa la magacaabay Guddi laanta fulinta dowlada Federalka kala xaajooda dhameynta Khilaafkii soo kala dhex galay Dowlad goboleedyada iyo Dowlada Fderaalka Soomaaliya , Mida kale fadhiyada golaha Aqalka sare BFS waxaa la go’aansaday uu bilowdaan 10 ka bishan”ayuu yiri Habdhoore C/kaafi Macalin Xasan

Dhawaan ayay aheyd markii xubno ka tirsan Golaha Aqalka sare uu gudoonka u diray inay xog aruurin kasoo sameeyaan dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Dowlada Federaalka Soomaaliya, si xal dhab ah looga gaaro Tabashooyinka jira.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!