Waqtiga la qabanayo shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo la shaaciyay
owhar ( Mareeg)-Isagoo Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Jowhar Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Max’ed Xuseen Odawaa ayaa waxa uu ku dhawaaqay waqtiga sida rasmiga ah uu u furmayo shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Mr Odawaa ayaa tibaaxay in 21 Bisha February ee 2016 ay noqon doonto maalinta uu si rasmi ah u furmayo shirkaas hadda allaha awooda leh uu ka raali noqdo.
Wasiirka ayaa ku booriyay masuuliyiinta, waxgaradka iyo Siyaasiyiinta ka soo kala jeeda Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe in ay hanaan cadaalad ah u maraan dhismaha maamulkani islamarkaana doorasho xalaal ah uu ku soo baxo hoggaanka maamulkani.
Maanta ayaa waxaa Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe gaaray Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya kuwaas oo qiimeyn ku soo sameynaya madasha shirka ee Jowhar.
Comments are closed.