Waqtiga de deg baa ku jira Fariin Loo diray Madaxweyne Farmaajo

Read Time:1 Minute, 18 Second

Muqdisho ( Mareeg News ) Qalinleeyda iyo dhamaan bulshada radiyadka ayaana ku qanacsaneeyn Hoggaaminta aan fikirka soomaalinimada iyo danta guud ku jaan go’neeyn ee madaxweeyne farmaajo.

Linkigaan Hoose Ka dhaawo.


Waqtiga deg deg baa ku jira
Waxuu dirayaa dhambaal
Ninkaan u dareen laheyn

Daruus adag buu dhaxlaa

Ninkii shalay diiranaa
Hadeerta dam buu yahoo
Waxuu daba ooyayaa
Midkuu dagi jiray doraad

Gacalku ways diidan yahay
Dagaal culus baa dhex yaal
Kuwii isku duubi laa
Ayaa dabka gees ka shiday

Bal arag way kala dideen
Dareen bay kala qabaan
Ninkii isku keen dirow

Maxuu amakaag ku dili

Bar baa dacar qooshtayoo

Hadana malab doonayee

Miyuu dagal soo baxshaa
Midh aan lagu duugin shalay

Caqligu ways dooriyoo
Daluun baas buu ka dhacay
Dad aan fikir togan laheyn
Miyey dhisayaan dalkani?!

Dadnimo way guurtayoo
Damiirkii baa hagraday
Danaha gaarkaa ka weyn
Waxii umad deeqi laa

Dawarsi bay raadiyaan
Waxay durayaan ciziga
Inaan u durduuranee
Maxuu damac waalayaa

Madaxdu waa duul anbada
Dariiqii uu ka lumay
Hadana ma dareemayaan
Daymada aragaa ka xiran

Garaadku daciifayoo
Halyey damqadana la waa
Daldalan mooyee wax kale
Dadkani ma hayaan hadeer

Hal-heys lagu deyrshay bay
Darbiyo ka dhigtaan dugaal
Miyuu magac dooriyaa
Dushaada waxii ku qoran

Markii lagu doortay farax
Ayuu dayac keenayee
Dibnaha ruuxaan fureyn
Miyuu duni gaarayaa?!

Dadbaa qiirada darteed
Waxii qalad dhacay dadee
Hadii lagu daayo sidan
Dambiilaha yaa wax dhihi?!

Samaha waan daajiyaa
Waxaan dalbayaa wanaag

Dadaal baad bixin hayaa
Dalkayga sidaan u dhiso

Hurdada damanow ka toos
Daruufaha yaal bal eeg
Dalaaliin baa jiree
Bad baadso dalkaan dayacan.

Curiye:- abdulkhalaq abdullahi geel yare

About Post Author

Ahmed weheliye Gaashaan

freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %