Waqtiga Cumar Cabdirashiid codka kalsoonida loo weydiinayo baarlamanka Soomaaliya oo la shaaciyey * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Waqtiga Cumar Cabdirashiid codka kalsoonida loo weydiinayo baarlamanka Soomaaliya oo la shaaciyey

Mareeg.com: Guddiga joogtada ah ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta go’aamiyey in R/wasaaraha magacaaban Cumar C/rashiid baarlamaanka la horgeeyo maalinta berri ah oo ah 24-ka December 2014.

Kulan ay maaanta Xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ku yeesheen guddiyada Joogtada ee barlamaanka Soomaaliya, uuna shir gudoominayey guddoomiye, Maxamed Sheekh Cismaan ‘Jawaari’ ayaa lagu go’aamiyey in maalinta berito ah  barlamaanka la horgeeyo Ra’isul wasaaraha cusub ee dhowaan uu magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya si barlamaanka loogu weydiiyo codka kalsoonida.

C/kariim Xaaji Cabdi “Buux” oo ah xoghayaha barlamaanka Soomaaliya oo saxaafadda la hadlay ayaa xaqiijiyay in maalinta beri ah golaha Shacabka la horgeyn doono Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke si xubnaha golaha barlamaanka ay cod ugu qaadaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa 17-kii bishaan RW u magacaabay Cumar C/rashiid kadib markii baarlamaanku riday RW hore Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!