Wakiilka QM & Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ka wada hadlay doorashada soo socota

Read Time:33 Second

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, ayaa maanta Muqdisho kula kulmay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarkamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Kulank ayaa labada dhinac  waxa ay uga wada hadleen qodobbo ay ka mid yihiin sharciga doorashada, kaas oo hor yaalla hadda Aqalka Sare.

Ergayga Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaamay sharcigan tilaabo taariikhi ah oo loo qaaday dhanka dhismaha nabadda, isagoo boorriyey in wakhtigiisa lagu meel mariyo si uu ula jaan qaado doorashada 2020.

Guddoomiyaha kulmay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarkamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa dhankiisa uga mahad celiyey Qaramada Midoobey doorka ay ka qaadaneyso taagerada dhinaca walba leh oo ay siiyaan Soomaaliya.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %