Muqdisho, November 7, 2013: Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ahna madaxa howlgalka AMISOM, Ambassador Mahamat Saleh Annadif ayaa soo dhaweeyey natiijada shalay kazoo baxday shirkii dib u heshiisiinta Jubooyinka oo laga soo saaray 6 qodob oo lagu hesheeyey iyo warmurtiyeed.
Ambassador Mahamat Saleh Annadif ayaa dowlada federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeyay marti galinta shirweyinihii dib u heshiisiinta shacabka Jubbooyinka ee guusha ku soo dhamaaday
Ambassador Annadif ayaa sheegay in uu ku qanacsanyahay qabashada shirkaasi, isagoo sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay mar kale muujiyeen sida xoogan oo ay uga go’antahay nabad iyo dib u heshiisiin ka dhacda dalkooda.
Ambassador Annadif ayaa intaasi ku daray in shirka shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho uu qeyb ka ahaa hirgalinta heshiiskii Addis Ababa lagu soo gaaray 28-kii bishii August, isagoo sheegay in shirka looga dooday qodobo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen nabad dhisidda, dib u heshiisiinta, ammaanka, iyo arrimaha bulshada.
“Heshiiskii Addis Ababa waxa uu ahaa talaabo horey loogu qaaday dib u heshiisiin qaran, nabad iyo deganaasha ka dhacda Soomaaliya”ayuu yiri Ambassador Annadif
Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in uu ku farxay in ergadii ka qeyb galeysay shirka ay ka doodeen qodobo muhiim u ah dib u dhiska nabadda iyo dadaalka dib u heshiisiineed ee ka socda gobollada Jubbooyinka.
“Waxaan rabaa in aan xaqiijiyo in Midowga Afrika qaasatan AMISOM ay taageeri doonaan dhaqan galinta talooyinkii ka soo baxay shirkaasi.” ayuu yiri Ambassador Annadif.
Shalay ayaa Muqdisho lagu soo gebagebeeyey shir looga hadlay nabadeynta beelaha Jubooyinka iyo Gedo, waxaana shirkaas laga soo saaray ilaa 6 qodob oo lagu heshiiyey, inkastoo ay soo baxeen beelo diidan natiijada shirkaas.
Mareeg.com